Hay’adda Nabad Sugida Oo Muqdisho Kusoo Bandhigtay Rag Kasoo Goostay Al-shabaab (Daawo Sawiro)
Waxaa Maanta Xarunta Hay’adda Nabad Sugida Dowladda KMG ee Magaalada Muqdisho ay kusoo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab kuwaa oo la sheegay in ay kasoo goosteen kooxdaasi kuna soo biireen Dhinaca Dowladda .
Ragan Shabaab kasoo goostay ayaa ahaa labo Nin oo kooxdaasi muddo ka tirsanaa Midkoodna uu u qaabilsanaa Dhinaca Dacwada Al-Shabaabka ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool halka kan kalana uu ahaa Askari Shabaab ka tirsanaa.
Labadan Nin ee Al-Shabaab kasoo goostay ayaa maanta Muqdishana lagu soo bandhigay, iyagoona lagu kala Magacaabo Xasan Macalin Ibraahim “Xassan Al wajidi” iyo Yalaxow Xasan Calasow waxana la sheegay in ragani ay iyagu iskood isku soo dhiibeen.

Xasan Macalin Ibraahim “Xassan Al wajidi” oo ahaa Sarkaal AL-Shabaab Dacwada u qaabilsanaa ayaa Warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigay isagoona sheegay in go’aankan ay gaadheen kadib markii ay u adkaysan waayeen hab dhaqanka Foosha Xun ee AL-Shabaab ku dhaqmayaan waa sida uu yidhiye.
Sidoo kalena waxa uu sheegay in Shabaab gardaro ku Gowracaan dadka Shacabka hantidoodana ka dhacaan isagoo Shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan hadii ay jirto wax dhibaato ah uu ugu gaystay magaca kooxdaasi intii uu ku shaqaynayey.
Mudooyinkii dambe waxaa yaraa Dagaalyahanada Al-Shabaab kasoo goosta ee Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigo, hasa ahatee waxaa badnaa Raga iyaga oo wali Al-Shabaaba ka tirsan Howlgalo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka ay kusoo qabteen Ciidamada Nabad Sugida ee Dowlada KMG.
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Afbakayle Online
Buuhoodle Khaatumo State
Maxamed Cali Bile
