afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:49 am | Posted by

Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya Oo Bilowday Barnaamij Lagu Tabarucayo Qaxootiga Soomaaliyeed

Safaarada Soomaaliyeed ee Dalka Kenya ayaa bilowday olole lagu caawinayo Soomaalida Qaxootiga ku ah Dalka Kenya  gaar ahaan Xeryaha Dhadhaab iyo Soomaalida kale ee  ku dhiban Magaalooyinka waawayn ee Kenya Sida Nairobi.

Danjire Mohamed Cali Nuur(America) oo u waramay warbaahinta  ayaa sheegay in ay hada soo ururiyeen Cunto iyo Timir maadaama lagu guda jiro bisha  barakaysan ee Ramadaan wuxuuna sheegay in ay rajaynayaan in ay dhowaan geeyaan xeryaha  Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma.

Safiirka  ayaa sheegay in deeqda ay dhowaan gayn doonaan xeryaha dhadhaab  ay isugu jirto  deeqo ay soo ururiyeen Soomaalida Jaaliyada ah ee  ku kala nool Kenya iyo dalal kale iyo sidoo kale Qaar ay Safaaradu iibisay.

Mudane Mohamed Cali Nuur (America) ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee kuu nool Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee aan weli ka qayb gelin  raashinka iyo timirta  loo ururinayo Soomaalida Qaxootiga ah in ay  isa soo xilqaamaan oo ay wallaalahooda  dhibban wax ka caawiyaan maadaama lagu guda jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Safaarada Soomaaliya  ee Kenya oo  ka mid ah Safaaradaha ugu shaqada badan  ee Soomaaliya ay dalalka Dibada ku leedahay ayaa caawinaad joogta ah u samaysay Soomaalida xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakumo ku nool iyadoo Safiirku  booqasho  bishii hal mar ku tago xeryahaas si uu ugu kuurgalo xaalada ay ku suganyihiin

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM