afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:20 pm | Posted by moha

Shevchenko Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ka Fadhiistay Ciyaaraha Una Wareegay Dhinaca Siyaasada

Andriy Shevchenko ayaa ku dhowaaqay in uu si rasmi ah ugaga fariistey ciyaaraha isla markaana u wareegay dhinaca siyaasada. Ciyaaryahankan reer Ukraine oo 35sano jir ah ayaa soo afjaray mudadii uu ku dhex jirey ciyaaraha kadib markii uu labo gool uu ka dhaliyey xulka Sweden tartankii ciyaaraha Euro 2012 oo ay xulka dalkiisa ugaga badiyeen 2-1 xulka Sweden. Warka ah inuu ka fariistey Shevchenko ciyaaraha ayaa waxaa baahisey kooxdiisii hore ee Dinamo Kiev iyagoo cadeeyey inuu ciyaaraha macsalaameeyey Shevchenko. “Waxaa laga yaabaa in dad badan aan ka nixiyo, mustaqbalkeyga kubbada cagta wuu soo dhamaaday waxana aan hadda u wareegay dhinaca siyaasada,”ayuu u sheegay kooxda ka dhisan dalka Ukraine shabakadeeda warbaahinta ee rasmiga ah.

 

 

Shevchenko ayaa waxaa si weyn loogu xusuustaa waqtigii uu la soo qaatay kooxda AC Milan isagoo kula guuleystey hal horyaal,hal  Coppa Italia a iyo hal horyaalka Championka ah isagoo siddeed xilli ciyaareed la joogay kooxda Rossoneri. Waxana uu 322 kulan oo uu saftay dhaliyey 175gool. Hase yeeshee xilliyadii u dhexeeyey 2006-2009 oo uu u ciyaarayay kooxda Chelsea ayaan waqti fiican u ahayn Shevchenko balse wuxuu la qeybsaday Chelsea hal koob oo ah FA Cup iyo hal koob oo ah League Cup. Sidoo kale laacibkan ayaa horyaalka dalkiisa wax ka qaaday shan jeer. Ciyaarayaha heerka qarana waxa uu laacibkan u saftay xulka dalkiisa 111jeer isagoo u dhaliyey 48 gool, waxana uu ku guuleystey abaalmarinta   Ballon d’Or sanadkii 2004.

 

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Afbakayle Online

 

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM