afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:39 pm | Posted by

Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka Oo Maanta Dib u Furmay (Daawo sawirada)

 

Waxaa Maanta  mar kale dib u furmay shirka golaha ansixinta dastuurka ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo maalintii shalay ahayd u baaqday sababo la xariira dhinaca amaanka.

Qaar ka mid ah ergada golaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay in maanta mar kale ay tagayaan xarunta Shirka uu ka socdo ee magaalada Muqdisho.

Maanta ayaa waxaa kulmaya gudiyo gaar gaar ah oo laga dhexsameeyay ergada ansixinaysa dastuurka Cusub, kuwaasi oo la sheegay in gudi kasta uu si gaar ah kaga soo doodi doono qodobo ku qoran dastuurka.

Xarunta uu ka socdo shirka Golaha ansixinta ayaa amaankeeda waxaa si aad ah u adkaynaya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM kuwaa oo baaraya dhamaanba dadka galiya xarunta shirka uu ka socdo.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dhibaatooyin xaga dhaqaalaha ah ay soo wajaheen shirka isla markaana ergada ka qaybgalaysa shirka aysan qaadan wax qaraxsha ah.

Horay ayaa wasiirka dastuurka iyo deb u heshiisiinta C/rixmaan Xoosh Jabriil wuxuu u sheegay in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo ka yimid beesha caalamka, asagoona xusay dhaqaalihii loogu talagalay in howshaan lagu fududeeyo in caalamka uusan wali bixin

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM