(DHAGEYSO) Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Oo Ka Hadlay Xaalada Deegaanada SSC Iyo Hadal Dhawaan Kasoo Yeedhay
Madaxwaynaha Maamulka khaatumo State Of Somalia Mudane Mxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha sheel) ayaa ka hadlay Xaalada guud ee gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn iyo waliba waxa u qorshaysan Maamulka Khaatumo, isagoona Madaxweyne Indha Sheel uu xusay in 3-da Bilood ee ugu horaysa ay ku raja weyn yihiin ka xukuumad ahaan in ay dhisaan Baarlamaanka Maamulka Khaatumo.
Madaxweyne Mxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha sheel) ayaa xusay in dastuurka Maamulka Khaatumo uu yahay mid diyaarsan isla mar ahaan taana uu ku xidhan in la dhiso golaha Baarlaamka Maamulka Khaatumo, isagoona sheegay Madaxweyne Indha Sheel in ay samayn doonaan mashaariic aad u badan iyo ganacsi xor ah si ay bulshadu isku dhex gasho.
Madaxweyne Mxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha sheel) ayaa sidoo kale ka hadlay hadal kasoo yeesdhay Hogaamiyihii hore ee SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla Toosiye) isagoona sheegay in wada hadalada iyo nabaduba ay tahay mid u dhaxaysa labada Maamul ee Somaliland iyo Khaatumo isna uu u maray wado khaldan hadaba halkan ka dhagayso waraysigaas oo dhamaystiran..
Halkan Ka Dhagayso
Xafiiska Wararka Ee Buuhoodle
Maxamed Cali Bile
Email maxamedxaji12@hotmail.com