afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
8:40 am | Posted by

Madaxa Dacwadda alshabaab ee Deegaanka Ufuroow oo warar dheeraad ah ka soo baxaya Qaabka loo Dilay..

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya saacadihii la soo dhaafay qaabka loo dilay madaxa dacwadda alshabaab ee deegaanka Ufuroow.
Wararka ka imaanaya caawa deegaanka Ufurow oo ka tirsan Gobolka Bay ayaa sheegaya in Deegankaas maanta lagu toogtay Sargaal sare oo AL Shabaab ka tirsanaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caawa deegaanka Ufurow uu yahay bandow, kadib markii ciidamada shabab ay bilaabeen baaritaan ku aadan dadkii ka danbeeyay Dilkii madaxa dacwadda alshabaab ee deegaanka Ufuroow.

Wararka ayaa sheegaya in Kooxo afka soo duubatay oo ku hubeysnaa Baastoolado ay toogasho ku dilay Abuu Salma oo ah Sargaalka maanta la dilay, iyadoo hawlgalo dad lagu soo qabtay ay ka dhaceen xaafadda lagu dilay Sargaalka.

Sidoo kale waa sarkaalkii ugu horeeyay ee ka Tirsan shabaab oo si Qorshaysan lagu dilo inta la ogyahay.
Ammaanka deegaanka Ufurow ee gobolka ayaa aad loo adkeeyay, waxaana socda bandow iyo baaritaan dad lagu soo qab qabtay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM