Musharaxa C/raxmaan c/shakuur warsame Oo Kulan Afur ah U Sameeyey Masuuliyiinta Warbaahinta Muqdisho .?(Daaw0+Sawirro)
Musharaxa C/raxmaan c/shakuur warsame Oo Kulan Afur ah U Sameeyey
Masuuliyiinta Warbaahinta Muqdisho .
Musharaxa madaxweynanimo ee doorashada soo socota c/raxmaan c/shakuur
warsame ayaa kulan afur casho sharafeed ah u sameeyey maamulka
warbaahinta kala duwan ee ka howl gasha magaalada muqdisho ,gal-mdug
state ,puntland iyo weliba gobolada dhexe ee somalia
kulankan afurka ah ayaa ugu horayntii waxaa ka hadlay qaar kamid ah
masuuliyiinta warbaahinta oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida
qadarintu ku dheehan tahay ee usoo maamuusay musharax c/raxmaan
c/shakuur warsame islamarkaana ay tahay markii ugu horaysay ee
musharax madaxweynanimo uu kulan noocan oo kala ah la yeesho
warbaahinta kala duwan
yaasiin maxamed cali (yaasiin faytin) oo kamid ah wakiiladii
warbaahineed ee goobtaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyey musharax
c/raxmaan c/shakuur afurka kulankan muga iyo maamuuska leh xambaarsan
islamarkaana tilmaamay inay tahay mid ku dayasho mudan .
sidoo kale c/qani c/laahi irbad oo ku hadlayey magaca warbaahinta ka
howl gasha puntland ayaa daboolka ka qaaday in la taageero musharaxa
islamarkaana lasoo dhoweeyo ahmiyada uu siinayo saxaafada
ugu dambaytiina waxaa kulanka soo afmeeray musharax c/raxmaan
c/shakuur warsame oo sheegay inay tahay kulan aad ugu qiimo weyn
islamarkaana uu hadii alle ku guuleeyo madaxtinimada doorashada soo
socota ee somalia uu si weyn u tix gelin doono saxaafada islamarkaana
uu ka hortegi doono tacadiga loo geysto
Yaasiin Faytin
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Moqdisho/Somalia
Afbakaylenews@gmail.com





