Qaar Kamid Ah Culuma Soomaaliyeed Oo Afkaaro Kala Duwan Ka Bixiyey Dastuurka Cusub Ee Dalka Soomaaliya
Hay’adda culumadda Soomaaliyeed ayaa kasoo horjeesatay nugulada uu ka kooban yahay Dastuurka cusub ee loo samaynayo dalka Soomaaliya.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda culumadda Soomaaliyeed oo isaga iyo ku xigeenkiisa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo 0o saxaafadda maanta si wadajir ah ula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in dastuurka cusub qodobo ku jira qaarkood ay yihiin kuwa ka horimaanaya Diinta islaamka, sidoo kalena dhaawacaya dhaqanka iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.
Ugu horeyn Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in qodobada kala ah Qaangaadhka , Gudniinka gabdhaha iyo Xuduudaha dalku ay yihiin kuwa aan la aqbali karin. Sidoo kale Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa isna ka dhawaajiyey in dowladda hada jirtaa ay horay u balan qaaday in dalka ay ku dhaqayso shareecada islaamka laakiin haatan ay u muuqato in ay hareer martay.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu dambayn sheegay inuu ugu baaqayo saxiixayaasha habraaca marxalada kala guurka in aysan shacabka Soomaaliyeed u horseedin dhibaato ka dhalata Dastuurka cusub ee loo samaynayo dalka soomaaliya.
Hadaba Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconaya Shirkii Ansixirta Dastuurka oo maalintii shanaad galay oo ay ka qayb galeen ilaa 825- Ergo kaas oo lagu doonayo in lagu meel mariyo Dastuurka cusub walow ay jiraan eedeymo loo jeedinayo dastuurka cusub.
Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Afbakayle.com