afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:53 pm | Posted by moha

Wafti Uu Hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Ireland Oo Maanta Muqdisho Soo Gaadhay

Wafti uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dowladda IreLand  Eamon gelmoner ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.  Wafdigan uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Ireland ayaa waxa uu kulamo muddo kooban soconayey la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr.  C/wali Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid Golaha wasiirada Dowladda KMG Soomaaliya.

Kulankan kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Ireland Mr Eamon gelmoner, waxaana ugu horeynba hadalka qaataya Ra’iisal Wasaare  Gaas oo ka  warbixiyey  xaalada uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya sida arrimaha Road-mapka iyo xaalada Bini aadinimo ee ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
Mr Eamon Gelmoner oo ah Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Ireland ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in Dowladda Ireland ay fulinayso balan qaad ku aadan in lacag dhan ilaa Afar milyan oo Dollarka Maraykanka ah oo u dhiganta ilaa   Saddex milyan oo Euro ah taas oo ay ku taageerayso Hay’addaha Dowladiga, kuwa aan Dowladiga ahayn iyo Sidoo kale kuwa qaalibsan  dhanka Bini aadinimada.

Hadaba safarkan uu maanta ku yimi Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Ireland ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado dalka soomaaliya, iyadoona dowladda Ireland ay hore balan qaad kugu sameeyay dalka Soomaaliya waxa ayna dowlada Ireland horey dalka Soomaaliya ay ugu deeqday lacag gaadhaysa ilaa 30-milyan oo Euro ah.

 

Xafiiska Wararka Ee Shabakadda Afbakayle Online

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM