Beenin Warar Lagu Daabacay Mareegaha(websites) Maamul Goboleedka Somaliland.
Anagoo ah qurba joogta beesha Reer Jibrill-Naalaye Ahmed waxaan halkaan ka cadaynayaa in warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay dabaceen website-yada SNM-ta oo sheegaya in Maleeyshiyo joogta Lafwayne Xuddun ay ka soo goosteen Maamulka Khaatumo State, una goosteen ciidamada beelaha SNM.
Waxaanuna Maamulka Iyo shacabweynaha Khaatumo State u cadaynaynaa wararkaasi been abuurka ee lagu faafiyey shabakadaha maamulka SNM in uusan sal iyo raad toona lahayn, balse uu yahay warar ay doonayaan inay khalkal iyo shaki ku ridaan Beelaha Khaatumo State.
Hadaba markii aanu xidhiidho la sameeynay dalka dibadiisa iyo gudahaba waxaa dhabawday inuu warkaasi yahay mid been abuur ah, oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Waxaa ku sugan Lafwayn beel ka tirsan beelaha Khaatumo State of Somalia, mana jirto meel ay u baxsadeen iyo meel ay ka baxsadeen waxay dagan yahiin meeshii ilaahay ku abuuray wayna deganaan doonaan iyagoo ah Khaatumo state.
Warbaahinta Jabhada SNM-ta oo iyadu caado ka dhigatay inay faafiyaan warar been abuur ah, ayaa doonaysa inay ka faaiidaysato shaqaaqo yar oo ka dhex dhacday beelo walaalo oo wada degan Xuddun, oo aanu rajaynayno inuu arrinkoodu ku dhamaato wanaag iyo isafgarad.
Markii aanu la xidhiidhnay Fuaad Adan Cadde oo ku sugan Xuddun una yimi sidii uu uga qaybqaadan lahaa dejinta hawshaas, waxuu noo xaqiijiyey in waraarkaas la faafiyey aanaanu sal iyo raad toona lahay ee uu yahay been iyo dacaayad lagu wiiqayo jiritaanka Khaatumo State of Somalia.
Waxaan ogaaysiinaynaa Bulshada Khaatumo State of Somalia in ay iska ilaaliyaan dabinada ay SNM –tu la damacsan yahiin inay ku burburiyaan Khaatumo State, iskana horkeenaan beelaha Khaatumo.
Qurbajoogta Beesha reer Jibriil-Naalaye Ahmed:
Adan Abdi Ducaale
Yasiin Iidaan Adan Cadde
Saciid Warsame golle
Cabdi Adan Cadde
Cabdirisaaq Saciid Saleebaan
CabdiNaasir Indhobuur
Khardo Cali Bidde
Sahra Abdi dheere
Cabdiraxmaan Cabdi Cilmi
Faarax Ahmed Maxamed
Ahmed Cawil Warsame Golle
Maxamed Saleebaan Adan
Ciro Daahir Abdi
Canab Awjaamac
Caasha awjaamac
Cadar Awjaamac
Gudiga Beesha Reer Jibriil-Naalaye Ahmed ee Gudaha:
Caaqil; Maxamed Adan Cadde
Jaamac Warsame golle
CabdiCasiis Cawil Caateeye
Cabdilaahi Colijoog
Jawte Dhegawayne
Jiidhe Maxamud Cilmi
Faarax Jaamac Tuur
Nuur Maxamud Xasan Baroor
Waxaana soo gaadhsiiyey
Aadan Cabdi Ducaale
London UK