afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:29 pm | Posted by

Daawo+Sawirada”Xaflad Maanta Lagu sagootinayay Madaxda Khaatumo Ee kusugan Nairobi Oo Ay Sooqabanqaabiyeen Ururka Dhalinyada Khaayumo Ee Kenya

Maanta Saacada Afrikada Bari markay ahayd 1:00 Duhurnimo kabilowday Hotel Madina Mall Ee magaalada Nairobi Shirwayne Balaadhan kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Iskuna soo dubarideenn Ururka dhalin yarada Khaatumo State Ee bariga Afrika.

Waxaana Laga Shirwaynaha Lagu Gorfeeyay Arimo dhowra oo laxidhiida Xaaladaha Guud ee deeganada khaatumo State, Iyadoo dhamaaan Shacabwaynah Kasoo Qaybgalay Shirkaasi Ay Madxda  Kuwaydiiyeen Su aalo, Waxay soo jeediyeen Talooyin, Ugu danbayna Waxay Ka hadleen Sagootinta madaxda Khaatumo ee kusugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhina kalana waxaa Shirkan Siwayn Loogu Soo dhaweeyay Habkii Madaxda Khaatumo State Ay Xilkii Meertada ahaa ula kala wareegeen Taas oo Lagu Tilmaamay  Mid Xusid mudan taariikhdana Baal dahab ah Ka Geli Doonta.

Madaxda Khaatumo ee Madasha Kasoo Qayb galay Ayaa waxaa Kamid ahaa Wasiirka Jaaliyadaha & Xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawlada Goboleedka Khaatumo State Mudane Xuseen Saleebaan Dhega wayne & Wasiirka Madaxtooyada Dawlada khaatumo Mudane Mukhtaar Ibraahim Xabashi oo ku hadlayey Afka Madaxda Khaatumo State.

.Ugu Horayn ayaa waxaa Madasha Ka hadlay  Xubnaha  Ururka dhalin yarada Khaatumo Ee bariga Afrika  Siwayna Uga hadlay Xaaladaha Ururka iyo Shirawaynaha ay maanta ku xogwaraysanayaan Madaxda Khaatumo Islamarkaana Kusii Sa Goontinayaan.

Abwaanada  Ururkan Katirsan Ayaa Dhanakooda Madashaasi Kusoo bandhigay Gabayo & Wacadaro Cajiiba oo wadaniyad ku dheehantahay Siwayna Usoo Jiitay Dhamaan Shacabwaynihii Goobtaasi Kasoo Qayb galay.

Axmed Maxamed Cumar Gudomiyahii Hore Ee Ururka Khaatumo Dayeel Dadka iyo dalka Ayaa  Qudbad Kajeediyey Shirkaasi Wuxuuna Shaaca kaqaaday Xidhiidhka Ka kadhexeeya Ururka Khaatumo Daryeel & Ururka Dhalinyada Khaatumo ee Bariga Afrika Sidoo kala waxuu sheegay Inuu Dhawaan Soo maray Qaybo badan kamida deeganada khaatumo, Loona baahanyahay Sidii dhulkii loogu noqon lahaa dadkana waxii labartay loogu faa iidayn lahaa, wuxuuna sheegay inay dhawaan furayaan Xafiiska Ururka Khaatumo daryeel ee Magaalada Nairobi.

Xubaha Haweenka Khaatumo ee madashan kasoo qayb galay ayaa siwayn uga hadlay doorka haweenka iyo siday uga dhursugayaan In laxoreeyo deeganada khaatumo ee Kujira Gacanta Gumaystayaasha.

Maxamed Cali Sareeyo Oo Kamida Dhalinta Khaatumo ee dhigta Jaamacadaha Dalka Kenya Ayaa Siwayn uga hadlay Doorka Waxbarashada & Sidii Dhalintu ugu guntan lahayd inay Dadkooda Anfacaan.

Musharax Yaasiin Ibaraahim Ciise Darmaan oo kamida Musharaxiinta Utaagan Xilka madaxnimada Dalka Soomaaliya kana Soo Jeeda Deeganada khaatumo State oo Shirkan kasoo qayb galay Dhankiisa halkaasi Qudbad kajeediyey Kuna dardaarmay in shacabwaynuhu ay midoobaan, Ugu danbayna Ka hadlay arimo dhowra.

Wasiirka Madaxtooyada Dawlada khaatumo Mudane Mukhtaar Ibraahim Xabashi  ayaa ka jawaabay dhamaan Su Aalaha ay shacabwayna Khaatumo ee Madashaasi kusugnaa waydiiyeen ayaa siwayn uga hadlay howalaha qaran ee qabsoomay iyo Guulaha lagaadahay  Dagaalka dhanka Siyaasada ah Ugu danbayna wuxuu sheegay in dhawaan ay tegi doonaan deeganadii howlaha badana laga dhursugo hadii alle  Idmo.

Gabagabadii ayaa waxaa shirkan soo Afmeeray Wasiirka Xidhiidhka Caalamiga ah iyo jaaliyadaha Xuseen Saleebaan ayaa siwayn ula dardaarmay dhamaan dhalinta waxuu kubooriyey inay gartaan doorkoda & Waxayaabaha looga fadhiyo.

Shirwaynaha ayaa Kusoo idlaaday Jawi aad uwanaagsan iyadoo madaxda khaatumo ee kusugan magaalada Nairobi lafilayo inay gaaadhan deegaanada khaatumo Iyagoo siina maridoona magaalada Muqdisho.

By Axmed Darwiish

Nairobi/kenya

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM