afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
6:39 pm | Posted by

Deg Deg: Nabadoon Caan ah iyo Wiilkiisa oo goordhow lagu dilay Magaaladda Gaalkacyo

Warar Goordhow naga soo gaaray Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay mid kamid ah Odayaasha dhaqanka.

Koox Hubaysan ayaa goordhow dil naxariis daro ah ugaystay Alla ha unaxariistee Nabadoon C/lahi Farey iyo Walaalkiis, waxaana dilkaas uu ka dhacay Gaalkacyo.

Dilka ayaa ka dhacay Waqooyiga Magaaladda Gaalkacyo ee Maamulka Puntland, Waxaana lasoo sheegayaa in dilkaas ay ka danbeeyeen sedex nin oo ku hubaysnaa Aaladda Bastooladda.

‘Dilka waxaa uu dhacay xiligii Afurkakahor waxaana gaystay dabley hubaysan’ayuu sheegay taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Dhanka Puntland Jaamac Maxamed Axmed.

Waxaa uu tilmaamay in ay ku raad joogaan kooxdii ka danbaysay falkaas dilka ah iyadoo haatan ay soconayaan howlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo manaxayaashii dilka gaystay

Nabadoonka iyo Wiilkiisa ayaa Masjidka kasoo baxay xiligii dilkooda uu dhacay waxaana ay usocdeen xaafadooda si ay u afuraan.

Rasaastii lagu weeraray Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa ay sababtay dhaawaca qof kale oo sedexaad oo isna marayay halka dilkaas uu ka dhacay, waxaana loola cararay isbitaalka.

Dilalka noocaan oo kala ah ayaa xiliyada qaar ka dhaca Magaaladda Gaalkacyo inkastoo waayadan xaaladda amaan ay wanaagsanayd.

XAfiiska Shabakada Afbakayle.com

Gaalkacyo/Mudug

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM