DHAGAYSO: Culumadda Soomaaliyeed oo kahadashay raashinka Ergada Masoomayaasha ah loogu keeno hoolka shirka Muqdisho
Magaalada caasimad aah ee Muqdisho oo uu ka socdo shirka Ansixinta Tastuurka waxaa ka soo baxey fadeexad ay baahiyeen inta badan warbaahinta taasi oo ah in ay lagu dhex arkey howlka shirka Ergo ku dhex cunaysa cuntooyin kala duwan xili lagu jiro bisha Ramadaan.
Ururka culimada Soomaaliyeed ayaa kadib fadeexada ka soo baxdey howlka uu ka socdu shirku waxaa ay ka hadleen arintaasi iyagoo sheegey in ay tahay wax ka fog islaanimada in Ergo la soo xushey in ay jebiyaan sharciyadii Islaamka xili lagu jiro bisha Ramadaan.
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumadda Soomaaliyeed ahna Gudoomiye kuxigeenka Hay”da Culumadda Soomaaliyeed ayaa mid aad u fool xun ku tilmaamay in dad waa weyn ay cunteeyaan xili bil ramadaan lagu jiro.
Riix Hallan si aad udhagaysato Kalmada Sh Nuur Baaruud Gurxan
Waxaa uu sheegay in hadii dadkaas ay yihiin dad xanuusan xitaa aysan xaq ulahayn in meel banaan ah uu cuno lasoo istaago waliba iyadoo ay la joogaan Dad Soomaan.
Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku tilmaamay ficilkaas mid aan meelna kasoo gelin shareecada Islaamka loogana baahan yahay cida ku dhaqaaqday in ay alla kacabsi samayso oo ay toobad keento.
Waxaa lasoo sheegayaa in ergada shirka Ansixinta dastuurka qabyada ah ay ku jiraan dad aad ubadan oo rag iyo Haween Masoomayaal ah iyadoona dowlada KMG ay raashinka ukeento.