afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
7:41 pm | Posted by

Fal qiyaano ah oo lagu qaraabto kii ugu xumaa abid oo ku kacday haweeney ku nool magaalada New York (Daawo Muuqaalkaan Yaabka Badan)

Fal qiyaano ah oo lagu qaraabto kii ugu xumaa abid ayaa waxaa la sheegay inay ku kacday haweeney ku nool magaalada New York ee dalkaas Mareykanka ka dib markii ay haweeneydaasi ay ku qaraabaneysay ama ku tuugsaneysay inay iska dhigto qof dhibaateysan oo xanuun kaga yimid shil baabuur aysan la socon karin ayna u baahan tahay in loo kaalmeeyo arintaas oo ay dad badan la yaabeen.

 

Haweeneydaan ayaa waxaa la sheegay inay isku soo ekeysiisay sidii qof xanuunsan islamarkaana curyaan ah oo aan socon karin iyadoona ku soconeysay biriha loogu talagalay dadka curyaamiinta ah, intaas ka dib ayey haweeneydaas qaa’imada ah waxay dadka weydiisaneysay in lagu caawiyo lacag iyadoona ka tuugsaneysay goobaha dukaamada ee dadka lacagleeyda ah ay ka dukaameystaan taas oo ay dadku ugu deeqayeen lacago maadaama uu qof walba u arkaayey inay tahay qof dhibaateysan oo kaalmo u baahan, Laakiin barnaamijka telefishinka ee lagu magacaabo Inside Edition ayaa waxaa uu dabagal ku sameeyey haweeneydaas taas oo u cadaatey inay haweeneydaas ku qaraabaneysay been iyo waxaan jirin iyagoona cadeeyey inaysan haweeneydaas ahayn qof jiis ama curyaan ah oo ay tahay qof caadi ah islamarkaana ay tahay qof fiyoow oo aan haba yaraatee waxba qabin laakiin si ay u hesho lacago bilaash ah ay sidaas u sameyneyso, haweeneydaan oo la hor dhigay falka ay sameyneyso inuu been yahay ayaan wax jawaab ah ka bixin.

Halkaan ka Daawo Muuqaal Ahaan Yaabkaan Adaa Yaabayee

Ugu dambeyntiina iyadoo falka ay ku kacday haweeneydaan uu dad badan ka yaabiyey ayaa waxaa la sheegay inay arimaha noocaas ah oo lagu yaqaanay wadamada saboolka ay waayadaan danmbe ku soo badanayaan wadamada horey u marey iyadoona ay dadka arintaas masuuliyadeeda ay dusha uga tuureen dhaqaalo xumida soo wajahday wadamada dunida, xeel dheerayasha ayaa waxay dadka kula talinayaan si aysan kuugu dhicin in lacagtaada ay ku baxdo hab qalad ah in mar walba lagu yabooho lacagaha heydadha gar gaarka bixiya ee shaqadooda la aamin san yahay, haweeneydaas oo inkastoo la kashifay beenteeda ayaa hadana waxaa la sheegayaa inay wali ku qaraabato habkaas iyadoo mar walbana badalata aaga oo tagata marba meesha ay is leedahay lagaama yaqaano

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM