Haweenka Ururka Somaliyeed Ee DUGSI Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyey Dadka Danyarta Ah Ee Ku Dhaqan Magaalada Buuhoodle (Sawiro+Warbixin)
Qaar kamid ah Haweenka soomaaliyeed ee ku midaysan Ururka Dugsi ee Dalka Holland ayaa deeq raashin ah soo gaadhsiiyey dadka dan yarta ah ee ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Deeqdan raashinka ah oo iskugu jirtay Bariis, Bur, iyo Saliid ayaa waxaa ururka Dugsi u soo wakiishay Sheekh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax oo kamid ah culuma awdiinta Magaalada Buuhoodle, isagoona ugu horeynba ka warbixiyey Sheekh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax cida soo dirtay deeqdani iyo cadadka ay le’eg tahay.
Sheekh Mukhtaar ayaa sidoo kale xusay in deeqdani ay soo direen Ururka Dugsi oo ay Gudoomiye ka tahay Sahra Diiriye Gamaadiid, isagoona sheegay in deeqdani loo soo gaadhsiiyey lacag ahaan taas oo cadadkeedu dhamaa 1250 Dollar, isla mar ahaan taana ay qoysaskan da yarta ah oo ay tiradoodu dhan tahay ilaa 30 qoys ay raashin ugu gadee lacagtaasi.
Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay hooyo kamid ah qoysaskii deeqdani lasoo gaadhsiiyey, iyadoona uga mahad celisay Ururka Dugsi ee deeqdani soo gaadhsiiyey.
Ma aha markii ugu horaysay ee deeq noocan oo kale ah uu Ururka Dugsi soo gaadhsiiyo dadka dan yarta ee ah ee ku dhaqan Deegaanada Sool, Sanaag, iyo Cayn.
Wariye:- Abdirahman Wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Buuhoodle Soomaaliya



