afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:31 pm | Posted by

Madaxweyne Shariif oo maanta gaaray Degmada Afgooye kulamana la qaatay dadka deegaanka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa maanta gaaray Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Madaxweyne Shariif ayaa markii uu gaaray Afgooye waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka dowladda ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la sheegay markii uu gaaray Afgooye inuu kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee Gobalkaasi islamarkaana odayaasha Madaxweynaha ay ugudbiyeen cabasho ay ka qabaan ciidamada dowladda.

Odayaasha reer Afgooye ayaa waxaa ay Madaxweynaha dowladda u sheegeen in ciidamada dowladda ay dhibaatooyin kala duwan ugeestaan Shacabka reer Afgooye islamarkaana xitaa haweenka qaarkood ay kufsadeen.

Madaxweynaha ayaa markii uu kulanka la qaatay kadib odayaasha reer Afgooye wuxuu hadana la kulmay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi Shabeelaha Hoose,isaga oo kala hadlaya cabashada ay qabaan shacabka ee ku aadan in ciidamada dowladda ay dhibaato ugeestaan dadka shacabka ah.

Ammanka wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa la adkeeyay waxaana halkaasi lagu daadiyay ciidamo badan oo suga ammaanka.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM