Ciidamo ka tirsan Dowladda oo xalay dhac kageystay Degmada Afgooye, Socdaalkii Madaxwaynaha Ee shalay kadib
Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa xalay dhac baahsan ka geystay mid ka mid ah Xaafadaha degmada Afgooye, iyadoo shalay uu booqasho lama filaan ah degmadaas ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Sida ay sheegayaan wararka dhacan ayaa Ciidamadan oo xirnaa dareyska milateriga ka geysteen xaafad dhanka waqooyi ku taal, waxaana halkaas ay ku boobeen goobo ganacsi iyo dadka oo ay ka qaateen wax ala wixii ay wateen.
Dad ku sugan Afgooye oo diiday magacooda ayaa u sheegay Warbaahinta Muqdisho in dhacan uu ahaa kii u horeeyay noociisa, oo askar raxan ah ay xaafad dhan dhac ka gesytaan, iyadoo markii hore ay jireen ciidamo mararka qaar dhacayay dadka iyo goobaha ganacsiga.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dhaca geystay ay ka tirsan yihiin ciidamo dhowaan yimid degmada Afgooye, iyadoo falkan dhaca xalay ka dhacay degmada uu yahay mid sii murjinayo xaalada degmada Afgooye.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay booqday degmada Afgooye ayaa raali gelin ka bixiyay dhibaatooyinka ay Ciidamada kula dhaqaaqeen dadka reer Afgooye, isagoo faray saraakiisha Ciidamada in tallaabo deg deg laga qaado kuwa ka dambeeya falalka ammaan darida.
“Waxaan idinka raali gelineynaa waxyaabihii dhacay, qofka qalad waa ka dhacaa ama sheydaan ayaa ku kalifa, laakiin waxaa idin xaqiijinaya in aysan mar dambe soo laaban doonin”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-badan ayaa sheegay in Madaxda dowladda ay ku canaanteen dhibaatada ammaan xumida, isagoo tilmaamay in wixii hada ka dambeeya dhibaatada dhacda uu isaga u maqan yahay sida uu yiri.
Degmada Afgooye oo bishii May ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa tan iyo wixii xilligaas ka dambeeya waxaa ka jira dhac, iyo boob ay geysteen Ciidamo ka tirsan dowladda, iyadoo marar badan ay saraakiisha sheegeen inay wax ka qabanayaan, hase ahaatee ma muuqato ilaa iyo iminka tallaabo laga qaaday.