afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
9:49 am | Posted by

Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo maalinta Berri la qabanayo

Doorashada madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa la filayaa in maalinta berri la qabto, iyadoo ay u taagan yihiin musharaxiin badan oo doonaya inay qabtaan Madaxtinimada Maamulkaas.
Inkastoo shalay lagu dhawaaqay Baarlamaanka cusub iyo gudoonka Baarlamaanka, hadana waxaa laga dareemayaa Koofurta Galkacyo oo ah halka uu saldhigto Maamulka Galmudug qaban qaabo ku aadan doorashada.

Madaxweynaha xilligan ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo howlo caafimaad u jooga Nairobi, markii qaliin dhanka wadnaha lagu sameeyay ayaa ka soo horjeeda doorashada, isagoo ku tilmaamay Baarlamaanka cusub mid ay sameysteen shaqsiyaad gaar ah.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu sheegay in doorashada madaxtinimada la qabanayo 14-ka Febraayo ee sanadka soo socda, waxaana uu sharci daro ku tilmaamay gudigii doorashooyinka uu magacaabay Madaxweyne kuxigeenkiisa.

Mr Caalin oo xilka madaxtinimada Galmudug haya muddo saddex sano ayaa ku andacoonaya in aan waqtigii doorashada la gaarin, isla markaana isaga aan diyaar u aheyn inuu isa soo sharaxo, hase ahaatee waxaa uu ka digay in fowdo iyo qas la sameeyo, waxaana uu ku baaqay isu tanaasul.

Ilaa 7-musharax oo uu ugu cad cad yahay Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliyed Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa u taagan xilka madaxtinimada Galmudug, iyadoo loo saadaalinayo inuu ku guuleysanayo, maadaama taageero badan ka heysto Waxgaradka, iyo siyaasiyiinta Galmudug.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM