afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:21 am | Posted by

Kooxo Hubaysan Oo dilay mid ka mid ah Shaqaalaha Dekadda Muqdisho

Kooxo ku hubaysan bastoolado wata ayaa xalay mid ka mid ah illaaada dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

ninkan la dilay oo lagu magacaabo Xasan Cismaan Xaaji la toogtay xilli uu ku jiray Salaadda Cisho.markii Salaadda Cishaha laga baxay ayaa waxa uu doonayay in uu dukado Salaad Sunno ah, Masjidka ayaa loogu galay xabado ayaa lala dhacay, Nafba dhul ma uusan la dhicin, waxaa lagu dilay Masjid ku yaalla Xaafadda Yaaqa ee degmada Kaaraan” sidaasi waxaa tiri Haweenay degan nawaaxiga halka uu Masjidka ku yaallo.

Kooxihii dilka gaystay ayaa goobta si xornima ah isaga baxsaday, maadaama halkaasi aysan ku sugneyn wax ciidan ah, waxaana arrinkaani walaac xooggan ka muujiyay dadka shacabka ah oo ku dhaqan degmadaasi oo sheegay inay dhibaato ku qabaan falal ammaan darri.

Dilkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo todobaad ka hor Xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan lagu dilay Hooyo iyo Wiil ay dhashay oo guri ay lahaayeen loogu dhacay, kaddibna la toogtay.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM