afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:52 pm | Posted by

Madaxweyne C/nuur Cilmi Qaaje Iyo Xubno Ka Tirsan G10 Oo Maanta Gaadhay Muqdisho(Daawo+Sawirro)

Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo,Madaxweynaha maamulka  Khaatumo C/bdinuur Cilmi Qaaji (Biindhe), waxaana wafdigan kamid ahaa saddex xubnood  ee  ka tirsan golaha sare ee fulinta Maamulka Khaatumo ee loo yaqaan G10, Wasiirka Arimaha Dibeda ee Khaatumo iyo Wasiirka Madaxtooyada.

Waftigan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey xildhibaano iyo dadweyne badan oo kasoo jeeda deeganada Khaatumo State.

Wafdigan ayaa ugu horeyn waxa ay ku nasteen Hoolka VIP da ee Garoonka Aadan Abdulle Osman (Aden Adde),  halkaas oo ay ugu sheegeen saxaafada inay u yimaadeen dhamaystirka habka casriga ah ee ay u xulayaan Barlamaanka Khaatumo u metalaya dawladda Soomaaliyeed.

Odayaasha G10 ee maanta soo gaadhay Muqdisho ayaa kala ahaa, Eng: Maxamed Buraale Faarax(Doxore), Dr: Suleimaan Cabdi Ducaaleh iyo Eng: Jaamac Abshir{Juxa}.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan gudiga loo xilsaaray xulista Barlamaanka, kuwaasoo ka kooban sadexda Gole ee khaatumo State, ee kala ah Golaha sare ee dhaqanka,Golaha fulinta{G10}, Golaha  Madaxtooyada.

Waxaana wada tashigaa kadib lagu dhawaaqi doono magacyada 8 xubnood ee maamulka Khaatumo u geli doona barlamaanka cusub ee Soomaaliya.

XAfiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM