afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
4:57 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Majaajiliistaha Caanka ah ee Marshaale oo Caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Allaha U naxariistee Majaajiliistaha Caanka ah ee Cabdi Jeylaani Marshaale ayaa caawa kooxo Hubeesan waxa ay ku toogteen Magaalada Muqdisho xili uu isku diyaarinayay afurka.

Labo Nin oo Bistyoolado ku hubeesan ayaa la sheegay in Marshaale xili uu uu banaanka gurigiisa ku cadeesanayay iskuna diyaarinayay afurka ay dhoor xabdood madaxa kaga dhufteen ,balse dhaawac halis ah oo soo gaaray Marshaale loola carary Isbitaalka.

Wararkii ugu Dambeeyay ee aan ka helnay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Marshaale uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo kasoo gaaray dhawaca ay u geesteen Kooxaha Hubeesan.

Marshaale ayaana la sheegay in Kooxaha hubeesan ilaa Lix Xabadood madaxa kaga dhufteen , isagoona xaalada halis ah loola carary Isbitaalka Balse markii dambeku geeriyooday.

Ciidamo katirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaana gaaray goobta uu falku ka dhacay oo ahaa Xaafada Cali Boolay ee Degmada Waabari , waxa ayna halkaasi kasameeyeen Baaritaano ay ku raadinayana Ragii Dilkaasi ka dambeeyay.

Allaha U naxariistee Dilka Marshaale oo ka hoolgalay Xafiiska Tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dhaawac isna Magaalada Muqdisho loogu geestay Cabdi Qaadir Cumar Cabdulle oo Tv-ga Universal ka hool galayay.

Xafiiska shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM