Deg Deg: Tirintii Codadka Dastuurka oo lasoo gaba gabeeyay iyo Ergada oo ucodeeyay iyo Gaas oo Saxiixay.. “Dhagayso”
Waxaa Goordhow lasoo gaba gabeeyay Tirintii codadka Ansixinta dastuurka qabyada ah oo waayadan ka socdan Magaaladda Muqdisho.
Natiijada kasoo baxday codeyntii maanta ayaa waxaa ku dhawaaqay Nimco Axmed oo kamid ah Gudiga Dastuurka ee Hoolka shirka kusugnaa.
Waxaa ay sheegtay in Kulanka codeynta ay soo xaadireen 645 Xubnood oo kamid ah Ergada.
Codeynta ayaa udhacday qaab gacan taag ah waxaana loo kala codeynayay dadka doonaya Dastuurka oo Haa dhahayay, kuwa diidan oo Maya dhahayay, iyo kuwa ka aamusay.
Ergada ayaa ku codeeyay Haa waxaana Haa yiri 621, sidoo kale waxaa maya yiri 13, halka 11 Xubnood ay ka aamuseen.
Wasiirka Dastuurka iyo dib uheshiisinta dolada KMG Xoosh ayaa sheegay in dastuurka si KMG ah loo ansixiyay.
Riix Halkan si aad udhagaysato Natiijada Codeyntii Dastuurka
Madasha shirka uu ka soconayo ayaa haatan waxaa soo gaaray Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali, kaas oo marqatai ka noqonayo shirka ansixinta dastuurka.
Ra’isul Wasaaraha ayaa saxiixay in xiligan waxii ka danbeeya Soomaaliya ay leedahay Dastuur KMG AH
Asc dhamantina hadaan ka hadlo fikirkay qofka dastuurka ansixiya ama tageera qofkaas waaa gaal