DHAGAYSO: Dr Gaas oo ku dhawaaqay in KMG laga baxay Hees wadani ahna qaaday
Ra’isul Wasaaraha dowlada KMG ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo xiray shirkii Ansixinta dastuurka qabyada ah ee waayadan ka soconayay Magaaladda Muqdisho.
Dr C/Wali Maxamed Cali ayaa Khudbad dheer ka jeediyay gaba gabadii Shirka isagoo uga mahadceliyay Ergada Ansixinta Dastuurka sida ay howlshooda uguteen.
Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Ra’isul Wasaaraha
Waxaa uu sheegay in Odayaasha Soomaaliyeed ay dalkooda ka bad baadiyeen marxalad cusub taasna ay tahay mid lawada sugayay.
Ra’isul Wasaaraha dalka ayaa sheegay in maanta uu ku egyahay xiligii KMG hada kadibna Soomaaliya ay tahay dowlad midnimo qaran.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Ra’isul Wasaare Gaas Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay xukumadiisa sii wadida dadaalada looga baxayo xaaladda Kala guurka ah.
Dr Gaas ayaa gaba gabadii hadalkiisa waxaa uu ku dhuftay miraha hees wadani ah, oo xili hore la qaaday.
Ergada Ansixinta Dastuurka qabyada ah ayaa 96 boqolkiibaa ucodeeyay Dastuurka, halka Boqolkiiba 2 ay diideen boqolkiiba 2 kalana ay ka aamuseen.
Soomaaliya ayaa yeelatay Dastuurkii ugu horeeyay tan iyo Xukumadii Kacaanka.
Aybaadtiin gidigiin galaa idinku shaqaysanaysa war dalka ayihiisa ka taliya wllalayal illah baan idinku dharshayee