afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
10:16 am | Posted by

Ergooyinka oo si aqlabiyad leh u Ansixiyay Dastuurka Qabyo qoraalka ah

Waxaa goor dhow Ergooyinka ka qeyb galeysay shirka Ansixinta Dastuurka qabyo qoraalka ay cod gacan taag ku ansixiyeen Dastuurka qabyo qoraalka oo si KMG ah mudada afarta sano ee soo socota u shaqeyn doona.

Shirka oo si toos looga daawanayo Telefishinada, lagana dhageysanayo Idaacadaha ayaa waxaa Ergooyinka ay si buuxda inta badan isugu raaceen Ansixinta.

C/qaadir Caddow oo ah gudiga howsha shirka waday ayaa Ergooyinka ka hor sheegay si looga baxo xaalada lagu jiro loona diyaar garoobi dib u dhis dalka iyo bulshada in cadaalad heshi inay ansixiyaan Dastuurka si KMG ah ilaa inta afti qaran looga qaadayo.

Wasiir kuxigeenka Dastuurka C/kariin Buux ayaa sheegay in barnaamijka geedi socodka nabada uu soo maray marxalado kala duwan, isagoo sheegay in aan Caalamka wax dhaqaale ah aanay kaga helin.

Xubnaha Gudiga howl wadeenada ayaa ku dhawaaqay natiijada codka, waxaana Nimco Axmed ay shaacisay tirada oo tilmaamtay in 645 ay ka soo qeyb galeen oo ah tirada Ergooyinka, iyadoo ay ansixineysa oo codka haa gacanta u taagtay 621-ergo, halka 13-ruux ay diiday, 11 ay ka aamustay.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh ah, isagoo xusay in ergooyinka ay si geesinimo ah u ansixiyeen ugana mira dhaliyeen, waxaana uu cadeeyay in dastuurka uu si KMG ah ku shaqeynayo ilaa afti dadweyne looga qaado.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Kooramka inuu ku furmo shirka uu ahaa 450-ergo, isagoo tilmaamay in 96% la ansixiyay dastuurka, isagoo goobta ka sheegay inay shahaado sharaf gudoonsiinayaan ergooyinka ansixinaya dastuurka sida uu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Gaas iyo Golihiisa Wasiirada ayaa goor dhow soo galay xarunta shirka Ansixinta, si uu marqaati uga noqdo Ansixinta ergooyinka, isla markaana uu saxiixi doono natiijada ka soo baxday shirka ee ansixinta Dastuurka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa laga maqlay banaanka xarunta School Polizio Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bar koontaroo laga soo galo xarunta, waxaana qaraxa uusan wax saameyn ku yeelan habsami u socodka shirka.

Saraakiisha Ammaanka dowladda ayaa sheegay inay fashiliyeen qaraxaas, isla markaana kooxo doonayay inay isku qarxiyaan ay banaanka ku celiyaan, ayna sababixin wax qasaare ah, ayna ahaayeen labo ruux.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM