Daawo+Sawirro:Tartanka Koobka Ramadaanta Ayaa Maanta Ka Furmay Degmada Xuddun Ee Gobolka sool
Degmada xuddun Ee Gobolka sool ayaa waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Koobka Kubada cagta Ee ramadaanta Kasoo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah masuuliyiinta sportiga Ee Degmada Xuddun.
Koobkan oo bilkata oo ramadaan lagu qabto magaalada xudun ayaa waxaa ka qayb qadanayaan ugu yaraan 15 kooxood oo kadhisan magaalada xudun ee G/sool, Waxaana manta ciyaarta ugu horaysay lagu furay Labada Kooxood ee Kala ah Kooxda Hilaac Iyo kooxda Ceelasha Biyaha Oo iyagu kadhisan kooxaha Herka Koowaad Ee degmada Xudun
Ciyaarta labada kooxood dhexmatay ayaa ahayd mid aad uqiimo badan oo taageerayaashii daawanayay labada soojitay ciyaarta wanaagsan ay soobanhigeen.
Ugu dambeyntii Ciyartan ayaa kusoo dhamaatay Jawi aad dagan iyadoo kooxda Hilaac ay guusha ku raacaday.
Yuusuf Cabdi xasan Cade
Xudun/Sool
Afbakaylenews@gmail.com





