afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:48 am | Posted by

Dhagayso: Al-Shabaab oo sheegtay in hadafkii ay lahaayeen ay ka gaareen Weerarkii Ismiidaaminta

Kadib qarax Ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay mid kamid ah Kontoroolada laga galo xarunta uu ka socdo Shirka Ansixinta dastuurka qabyada ah ayaa waxaa qaraxyadaas sheegtay Shabaab.

Afhayeenka Kooxda Shabaab Sh C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Weerarkaas uu ahaa mid ismiidaamin ah oo oo ay fuliyeen rag katirsan Shabaab.

“Waxay dhowr KM isku wareejiyeen meesha shirka Dastuur gaaleedka ka socday, labo Mujaahid ayaa u suura gashay inay galaan xarunta”ayuu yiri Abuu Muscab oo intaa ku daray in dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Abuu Muscab

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ay fashilisay isku day ay Shabaab ku doonayeen in ay ku galaan xarunta Iskool Polisia oo uu ka soconayo shirka Ansixinta dastuurka qabyada ah.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM