afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:18 pm | Posted by

DHAGAYSO: Cabdi Qeybdiid: Anigaa ah Madaxweynaha xaqa, Caalin waqtigiisa waa uu dhamaaday, haduu wax tabanaayo Gaalkacyo ha yimaado

Taliyihii hore ee Booliska dowladda KMG Soomaaliya Cabdi Qeybdiid oo hadana ah Madaxweynaha Galmudug State ayaa waxa uu markii ugu horeeysay ka hadlay xilka loo doortay iyo sababta loo doortay.

Sida Shalay wararkeena aad ku aragteen waxaa Koonfur Gaalkacyo ka dhacday Munaasabad ama doorasho lagu magacaabayay ninka badali lahaa Madaxweyne Caalin.

Doorashada waxaa ku guuleystay Cabdi Qeybdiid, isagoo sidoo kale magacaawday kuxigeenkiisa, waxa uuna Madaxweynaha cusub carabka ku dhuftay inuu isaga yahay madaxweynaha Galmudug State ee xaqqa ah.

 Dhanka kale Madaxweynaha Cusub ee sheegay in loo doortay Hogaanka Galmudug ayaa waxa uu wacad ku maray inuu la dagaalami doono Saddex koox oo kala ah Burcad Biyeed, Shabaab iyo qaswadayaasha.

Hadalkan kasoo yeeray Cabdi Qeybdiid ayaa waxa uu kusoo aadayaa waqti Maxamed axmed Caalin uu sharci darro ku tilmaamay Doorashada ka dhacday Galmudug, taasoo micno ahaan ka dhigan in maamulka Galmudug uu leeyahay 2 madaxweyne.

Riix Halkan si aad udhagaysato Waraysiga Cabdi Qeybdiid

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM