Munaasabadda Xirirtaanka Shirka Dastuurka Oo ka Soconaysa Akadeemiyada Booliska ee Generaal Kaahiye
waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre.
Wasiirka Dastuuku wuxuu khudbadiisa uga hadlay heerarka uu soo maray Dastuurku, iyo sida ay dadka Soomaaliyeed ugu istaagen horumarinta dalkooda, wuxuuna tilmaamay in dhammaan qeybaha oo ku jiraan Ergada iyo dowladduba ay waqti badan ku bixiyeen sidii looga gudbi lahaa marxaladda KMG ah oo uu dastuurku sal u yahay.
Wasiirka Qorsheynta ayaa isaguna sheegay in maskax iyo maal Soomaaliyeed oo lagu daray iskaashi caalami ah ay suura galisay in la dhammeystiro howshii Dastuurka Waddanka, isagoo u mahad celiyay hoggaanka Dowladda iyo shacabka oo kaalin wanaagsan ku lahaa fulinta howshan.
Wali waxaa socda Khudbooyikii madaxda dhawaan waxaa hoolka soo gaari doona R/wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya. waana idiin soo gudbin doonaa halka ay wax marayaan hadduu Alle Idmo.



