afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:42 am | Posted by

Samsam Maxamed iyo Maxamed Xassan oo Maanta Ordaaya Ciyaaraha Olompicada

Magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa saaka ka furmaaya ciyaaraha Orodka oo maalmahaan la sugayay in ay furmaan.

Wararka ayaa sheegaya in Orodadaasi ay ka qeyb gali doonaan dalal badan oo ku yaalla qaaradaha kala duwan ee Adduunka.

Soomaaliya waxaa Orodadaasi u matalaaya Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Maxamed kuwaasi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada London.

Soomaali badan ayaa u Ordeysa dalal badan oo ka qeyb gelaaya tartanka orodada ee maanta ka furmaya magaalada London.

Mo Faarax oo ah Orodyahan Soomaaliyeed una ordaya dalka Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Orodyahanada Soomaaliya u matalaya Ciyaaraha maanta London ka furmaya, isagoo kala taliyay arimaha ku aadan qaabka loo ordo.

Wuxuu kula dardaarmay in marka hore ay muujiyaan sidii ruux ku jira tababar,laakiin wareega ugu dambeeya ay sameeyaan orodka dheereeya ,si ay u guuleystaan.

Waxaa ugu horeeya Zamzam Maxamed Faarax oo ordeysa orodka 400 oo miter ,iyadoo la wada sugayo saacada dhanka Africamarkay tahay 2:00 ee Dhuhurnimo “Sideed Saac Maalin”.

Soomaalida ku dhaqan Londonayaa si aad ah usoo dhaweeyay Zamzam iyo Maxamed waxaana labadaba ay rajo ka muujiyeen guulo ay gaaraan.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM