Booliska Kenya oo ogaaday in qaraxii Xalay ka dhacay Islii uu ahaa mid ismiidaamin ah “Daawo”
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan ooXalay fiidkii ka dhacay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Magaaladda Nairobi.
Qaraxaas ayaa waxaa kasoo baxaya qaabka uu udhacay warar kala duwan, bilowgii qaraxa ayaa dad goob joogayaal ah waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa bambo lagu tuuray goob ay ka socotay muxaadaro lagu islaamiyo dadka Gaaladda Kenyanka ah.
Hal qof ayaa dhintay ku dhawaad 8 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxaas xoogan.
Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa amaanka Kenya oo uu hogaaminayay Taliyaha Ciidamada Booliska Magaaladda Nairobi Antonio Kabuchi.
Ciidamada ayaa sameeyay howlgal xoogan oo ay ku baadi goobayeen koxodii weerarkaas ka danbaysay.
Waraysi kooban oo uu saxaafada siiyay Taliyaha Booliska Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruuxa dhintay.
“Waxaan wadnaa baaritaano xoogan, laakiin xogaha rasmiga ah ee aan helayno ayaa ah in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah ruuxa dhintay ayaana isqraxiyay’ayuu sheegay Taliyaha oo hadalkiisa raaciyay in dadkii dhaawaca ahaa loo qaaday isbitaaladda.
Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa ah iridka hore ee laga galo Garoonka diyaaradaha ciidamadda xooga dalka kenya kaas oo kuyaal Xaafada Islii.
Xaaladda Xaafadda Islii ayaa caaawa ah mid aad ukacsan waxaana soconaya howlgalo ay wadaan ciidamada Kenya.
Riix Halkan si aad Muuqaal ahaan Udaawato
Xasiifka Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com