Daawo Sawirada:AMISOM oo loogu deeqay Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn si ay ugula Dagaalamaan Al-Shabaab
Dowlada Mareykanka ayaa Diyaaradaha Dagaalka aan Duuliyaha laheyn waxa ay ugu deeqday Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Si ay qeyb uga noqdaan la Dagaalanka Xarakada Al-Shabaab looga soo horjeedo ee gudaha Soomaaliya .
Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Hillary Clinton ayaa diyaaradahan aan Duuliyaha laheyn oo gaaraya ilaa 12-Diyaaradood waxa ay ugu deeqdsay Ciidamada AMISOM N iyadoona kula wareejisay Xero Ciidan oo kutaala Duleedka Magaalada Kampala ee Caasimada Dalka Ugandha .

Diyaardahan ayaana la sheegay in aysanb aheyn kuwa Xumbaara Madafiicda ama Gantaalada hasa haatee ay AMISOM u isticmaali doonaan dhinaca Sirdoonka iyo Macluumaadka Dagaalka Kooxaha ay la dagaalamayaan.
Hillary Clinton oo la kulantay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa kala hadashya sidii loo soo afjari laha Kooxaha Islamaiyiinta ah ee dagaalada kawada gudaha Soomaaliya kuwaa oo qatar ku ah geeska Afrika sida ay sheegeen.

Mareykanka ayaa horey gudaha Soomaaliya diyaaradaha Aan Duuliyaha laheyn ugu adeegsatay iyagoona inta badan u isticmaalyay dhinaca Muqaabaradaka iyo sidoo kale kuwa wax duqeeya kuna dileen hogaamiyaal Dhoor ah oo Al-Qaacida iyo Al-Shabaab katirsan.