afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:30 pm | Posted by

Daawo+Video:Hawlgalkii Ay maanta ciidamada dawladu Kulawareegeen number 5o(Video)

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin maalmaha soo socda Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii maanta ay la wareegeen Garoonkii diyaaradaha ee Nambar Kontan iyo nawaaxiga Nambar Lixdan.

Col. Muhanga oo ka mid ah saraakiisha Guutooyinka ee Ciidamada dhulka ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii maalmaha soo socda ay u qabsan lahaayeen Magaalada Marka, isla markaana goobaha ay qabsadeen ay ku nasan doonaan kaliya.

Sarkaalkan ayaa cadeeyay in Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM saaka waabarigii u suura gashay in dhul ballaaran ka qabsadaan Al-Shabaab, isla markaana wixii haatan ka dambeeya ay u ruuqaansanayaan Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Shabellaha Hoose ayaa isna sheegay in Al-Shabaab ka baxeen deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, ayna haatan geeddi sii yihiin oo ay ka saari doonaan magaalooyinka muhiimka ah.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inay fariisimo ka sameysteen labo wado oo kala gasha Lafoole iyo Ceelasha Biyaha, halkaasoo uu xusay in Al-Shabaab ay ka soo qaadi jireen weerarada ay jidka ugu galaan Kolonyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Halkan Roox Si,aad Udaawato Video-ga Hawlgalka

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM