afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:01 pm | Posted by

Dawlada KMG Oo soo Bandhigtay Maydadka Qaar Kamid Ururka Al-shabaab(Sawirro

Dowlada KMG ayaa maanta soo bandhigtay meydadka Ciidamo iyo Saraakiil ay sheegtay in ay katirsan yihiin dagaalyahanadda Shabaab.

Weerar ka dhacay  degmada Qansax dheere ayay sheegeen Saraakiisha dowlada in ay ku dileen Ciidamo iyo Sargaalkii hogaaminayay.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Adan ayaa sheegay in ay dileen lix kamid ah Ciidamada Shabaab oo sargaalkii hogaaminayay uu ku jiro.

‘’ Saqdii dhexe ee xalay ayeey malleeshiyaad ka tirsan shabaab soo weerareen bar ay ciidamada XDS ku lahaayeen kontoroolka laga galo magaaladaasi waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo socday in ka badan hal saac, saakana waxaa halkaasi lagu arkay Meydadka Lix ka tirsana Shabaab oo uu ku jiro horjoogihii watay kooxdaasi kaas oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Uburow oo ah  nin ku dhashay magaalada isla markaana aad u dhibay dadka reer Qansaxdheere haddana Meydka horjoogahaasi dadka ayaa laga celin la’yahay ciilka ay u qabaan darteed’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Aaden oo lahadlayay raadiyaha dowlada.

Sargaalka Shabaabka ah ee lagu dilay Qansax dheere oo lagu magacaabo Maxamed  Isaaq Uburow ayaa ku dhashay degmadaasi, wuxuuna hore uga mid ahaa ciidamadii booliiska intii ay jirtay dowladdii hore ee Siyaad Barre, muddadii burburka uu jirayna ka hor inta uusan shabaab ku biirin waxa uu nabaddoon u ahaa beeshiisa oo degta degmadaasi, isagoo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa dadka reer Qabsaxdheere ayuu haddana markii uu ku biiray shabaab waxa uu dhibaato weyn u geystay dadka deegaanka nasiib darase saaka waxaa meydkiisa laga celcelinayaa dadka deegaanka oo doonaya in ay ku jiidaan waddooyinka laakiin ciidamada ayaa u diiddan in meydka loola dhaqmo si ka baxsan bani’aaddanimada.

Hoos Ka Daawo Sawiradda

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM