afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
5:48 pm | Posted by

Maareeyihii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo salaadii Maqrib lagu dilay Xamar weyne

Kooxo Hubeysan ayaa salaadii maqrib kadib ku dilay Xaafada Via Roma Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ibraahim Iimaan Xalane, iyagoo goobta ka baxsaday kooxihii ka dambeeyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la dilay markii uu ka soo baxay Masaajidka lagu magacaabo Abati, waxaana kooxaha dilka geystay ay ahaayeen labo nin oo bastoolado ku hubeysan.

Gudoomiyaha degmada Xamar weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay galeen degmada Xamar Jajab oo sida uu yiri ay tahay meel qatar ah sida uu yiri.

“Ciidamada ayaa ka daba riday rasaas waxaa ay ku carareen Xamar Jajab, meesha la yiraahdo Buur-Karoole waa meel qatar ah”ayuu yiri C/llaahi Sahal Gardhuub.

Dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Mas’uul sare loogu geysto degmada Xamar weyne.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Soomaaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM