Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ku dilay Saraakiil iyo ciidamo katirsan Shabaab iyo Shabab & dowlada oo kahadlay
Wararka laga helayo degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaal ee dalka Mareykanka ay duqeyn qorshaysan ku dileen ciidamo iyo Saraakiil katirsan Shabaab-ka Jubooyinka.
ku dhawaad 10 kamid ah Dagaalyahanada Shabaab ayaa lagu dilay duqeyntaas oo todobaadkan ka dhacday duleedka Afmadow iyadoona diyaaradaha duqeynta gaystay ay ahaayeen kuwa aan duuliyaha lahayn.
Mid kamid ah Saraakiisha Shabaab ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka weerarkaas uu udhacay, qasaaraha uu gaystay iyo tirada Shabaab kaga geeriyootay.
Sheekh Caadil Maxamed oo sheegay in uu katirsan yahay Saraakiisha Shabaab ayaa usheegay TV-ga laga leeyahay dalka Iiraan ee Press TV in diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn ku dileen dagaalyahano katirsan Shabaab.
Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 10 kamid ah Ciidamada Shabaab lagu dilay weerarkaas diyaaradaha Mareykanka ee duuliye la’aanta ah ay ka gaysteen y duleedka magaalada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ee wadanka Soomaaliya.
Dhanka kale Waxaa isagana duqeyntaas faah faaiyay Cali Jimcaale oo isna kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka dagaalamaya aaga Afmadow waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay ciidamo badan oo Shabaab ah.
Diyaaradaha dagaal ee dalka Mareykanka ayaa duqeyn xoogan ka wada deegaanada ay Shabaab kaga sugan yihiin goboladda dalka gaar ahaan Jubooyinka.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamo lix ah oo diyaaradaha Mareykanka ay ka gaystaan duqeyn, waxaana dalalkas ku jira Pakistan, Afghanistaan iyo Yeman.