Siilaanyo Oo Wasiiru Dawlaha Nabadaynta U Magacaabay Kayse Cabdi Yuusuf(Warbixin
Madax Waynaha Jamhada SNM Siilaanyo ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka la baxay SSCD ,u magacaabay wasiiru dawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Siilaanyo oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa lagu sheegay xilkaasi cusub ee loo magacaabay Kayse Cabdi Yuusuf.
Siilaanyo waxa uu sheegay inuu arkay baahi loo qabo Xallinta khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgalyadda iyo siyaasadda Gobolladda Bariga, taasina ay keentay in la abuuro jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga oo hoos iman doonta Siilaanyo.
Kayse Cabdi Yuusuf ayaa hore uga mid ahaa ururkii SSC ee mar ka jiray deegaanada gobollada SSC, ka dibna waxuu u galay Hargesa, isagoo sheegay inuu nabad qaatay.
Kayse ayaa aasaasay urur siyaasadeed la baxay SSCD, waxaanu ka mid noqday sagaalkii urur ee ku hadhay qiimeynta lagu kala reebay ururadda.
Talaabadan ayaa la sheegay inayan waxba ka bedelayn arrimaha ka taagan gobollada SSC oo hadda uu ka taliyo maamulka Khaatumo State.
Xafiiska shabakada Afbakayle.com
Hargaysa/Somaliya
Afbakaylenews@gmail.com