afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
11:03 am | Posted by

Taliska Booliska Xamar weyne oo sheegay in dad fara badan loo qabtay dilkii Maareeyihii garoonka Aadan Cadde

Taliska Booliska degmada Xamar weyne ayaa sheegay in howl galo xalay ilaa saaka ka sameeyeen Xaafadaha degmadaas iyo kuwa ku dhow dhow ku soo qabteen dad fara badan oo lagu tuhmayo dadkii ka dambeeyay dilka Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Muqdisho Ibraahim Iimaan Xalane.

Col. Maxamed Dahir oo ah Taliyaha Saldhiga Booliska Xamar weyne ayaa sheegay inay soo qabteen ilaa sodomeeyo ruux oo lagu tuhmayo, isagoo xusay in marka baaritaan maraan ay kala cadaan doonto.

“Waxaa howl galo tan iyo xalay degmada Xamar weyne iyo Xamar Jajab ka wadnay kooxihii ka dambeeyay, hadana waxaa soo qabanay ilaa 31-ruux, koley labo nina dishay, inay ku jiraan iyo in aysan ku jirin waa dhici kartaa”ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa uga digay Ciidamada hubka ku dhex sita degmada, isagoo tilmaamay in dhowr jeer oo hore ay uga digeen, haatana ay tallaabo ka qaadayaan sida uu yiri.

Dhinaca kale Meydka Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ibraahim Iimaan Xalane ayaa saaka lagu aasay Qabuuro ku yaal nawaaxiga Isbitaalka Madiina, iyadoo aaskiisa ka qeyb galeen Wasiirka Warfaafinta iyo Saraakiil ka tirsan dowladda.

Xalay ayay aheyd markii Ragg ku hubeysan Bastoolado ay ku dileen degmada Xamar weyne Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo uu yahay dilkii u horeeyay oo Mas’uul loogu geysto degmada Xamar weyne.

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM