afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:24 pm | Posted by moha

Barnaamijka Caafimaadka:- Kalaamiidiya

Akhyaarta qiimiga naga mudaney waxaan halkan aan idinku soo gudbinaynaa Barnaamijka Caafimaadka oo todobaadkiiba Hal mar ka baxa Shabakadda Afbakayle Online, waxaana todobaadkan aan jecel nahay inaan wax idiinka iftiimino Cudurka Kalaamiidiya oo inta badan ku dhaca dad weynaha inkastoo cudurkaasi uu yahay mid aan wax caalamado ah aan lahayn oo aan lagu garan.   Hadaba akhyaarey Waa Maxamed Cali Bile  iyo Hawl wadeenada Afbakayle Online oo idin leh Akhris wacan………..

Kalaamiidiya waxaa lagu naynaasaa cudurka aamusan maadaama uusan badanaa keenin calaamado uu qofku isku garto. Kalabar raga iyo inta badan dumarka (75%) qaba cudurkan isma oga inay qabaan mana laha wax calaamado ah. Waxaa sababa bakteeriyo badanaa lagu kala qaado galmada. Waxay caan ku tahay inay dumarka ku keento dhalmo la’aan.

Calaamadaha Dumarka

  • Dhiig aan caadi aheyn oo ka yimaada xubinta galmada
  • Dhiig yimaada ayadoo aan caadada waqtigeeda la joogin
  • Dhiiga caadada oo saa’id noqda
  • Xanuun amaba dhiig marka galmada la sameynayo
  • Calool ama gumaarka oo xanuuna

Calaamadaha Ragga

  • Dheecaan cad ama cawlan oo ka yimaada xubinta galmada raga
  • Gubasho iyo cun-cun xubinta galmada iyo agagaarkeeda
  • Xanuun marka la kaadinayo
  • Barar xanuun wata oo xiniinyaha ku dhaca

Inaad qabtid cudurkan waxaa lagu ogaan karaa baaritaan lagu sameeyo kaadida. Wadamada qaarkood waxay ku taliyaan in qofkii galmo sameeya uu iska baaro sanadkii mar ama markuu galmada la sameeyo qof cusub. Qalabka kaadida lagu soo shubi lahaa ayaa boostada laguu soo dhigayaa kadibna dib ayaad u soo celinaysaa iyadoo lagu baari doono shaybaar tayadiisa la hubo. Isbuuc kadib waxaad si xafidan u helaysaa jawaabtii hadba sidaad u dooratid. Daawadeedu waa hal kaniini oo aad hal mar qaadanaysid waxaana kuu qori kara dhakhtarkaaga ama dhakhtarkayaga ayaa boostada kuu soo dhigaya. Ha hilmaamin inaad u sheegtid lamaanahaaga si ay iyaduna/isaguna u qaato daawada.

Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

By Maxamed Cali Bile

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM