DHAGAYSO:Cabdikarim Xassan Jaamac waxaa uu sheegey in Khaatumo ay qeyb ka ahayn heshiidka Nairobi Roadmap-ka(Warbixin)
Cabdkarim Xassan Jaamac, oo magaciisa lagu sheegey war saxafaadeedka ka soo baxey shir Nairobi ugu soo gaba-gaboobey shan kamid ah lixda saxixayaasha Roadmap-ka, ayaa sheegey in uu shirka ka baxey.
Cabdikarim ayaa BBC u sheegey in uusan qeyb ka ahayn heshiis lagu gaarey Nairobi oo dhigayo in mudanayaasha gobolkaasi ay soo kala xulaan odayaal dhaqameedyo ku kala sugan Muqdisho iyo Garowe.
Bayaanka ka soo baxey shirka ayaa lagu sheegey in wada-xaajoodka arrinta Khaatumo uu qeyb ka ahaa Cabdikarim Xassan Jaamac oo horey u ahaan jirey wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG.
Billowgii sanadkan ayaa magaalda Taleex loogu dhawaaqey maamul ay dadka degaankaasi sheegeen in uu mathalayo gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Xiligan Maanta Uu Cabdikariim sheegay in maamulka khaatumo aanay kamid ahayn heshiidka Nairobi Roadmap-ka ayaa waxay ku soo kusoobeegmaysaa xili qaar kamid ah madaxda maamulka khaatumo ay beesha caalamka baaqkadhan ah farole u jediyeen.
Halkan Kadhagayso Waraysiga Siyaasiga
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Nairobi/Kenya
Afbakaylenews@gmail.com