afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:42 pm | Posted by moha

Ciidamada Itoobiya Ee Magaalada Beledweyne Oo Ganacsade Ku Dilay Magaladaasi

Wararka aanu ka helayno  Magaalada Beledweyne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Magaalada Beledweyne ay maanta Ciidamada Itoobiya ku dileen gudaha Magaalada  nin ganacsade ah. Ganacsadahan oo lagu magcaabi jiray Maxamed Xiiray ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne, Iyadoona falkaasi ay gaysteen Ciidamada itoobiya ee ku sugan Magaalada Beledweyne.

Ciidamada itoobiya ayaa ganacsadaha ay dileen waxay ku amreen in uu ka joogo waddo ay hawlgallo ka wadeen, hase yeeshee waxaa la sheegay in uu fahmi waayey hadalkooda taasina ay keentay in uu socodkiisii sii wato iyadoo kadibna ay rasaas ku fureen Ciidamada itoobiya ganacsadahaasi.

Intaasi kadib ayaa ehelada marxuumka geeriyooday iyo Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan waxa ay meeshaasi  kasoo qaadeen meydka ninka la dilay ee ganacsadaha ahaa.

Magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyey waxa  ka dhacayey dilal loo geysanayo ganacsatada dadka deegaankaasi.

 

Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

By Maxamed Cali Bile

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM