Ciidamada Maamulka Faroole Ee Magaalada Garowe Ayaa Dad shacab ah Ugu gaystay Xadhig iyo Jidhdil
Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa maanta lagu qabtey boqolaal ruux oo kala gedisan kuwaasi oo lagu soo raafey howgalo ay sameeyeen ciidamada Booliska ee maamulkaas,Dadkan intoooda badan lasoo qabqabtay ayaa waxay ubadan yihiin dad aan kasoojeedindeenada puntland.
Gudaha Magaalada Garoowe ayaa lagu qabqabtey dadkaasi oo aad u fara badan waxaana dadka la qabtey dhamanatood la daad gureeyey wax yar kadib markii saaka magaalada lagu diley Xildhibaan katirsan maamulka faroole ee guracan,
Sida ay wararka sheegayaan waxaa xildhibaanka saak waabarigii hore toogtay Ciidamo kulabisan direeska maamulkaas, Iyadoo aan wali lahayn cida sida rasmiga ah uga dambaysay dilkaad.
Xaruumo boolis oo kala duwan oo ku yaala gudaha Magaalada ayaa dadkaasi lagu baarayaa iyagoo la waydiinayo su,aalo dhowr ah, waxaa kaloo weli ka socda Magaalada caasimada u ah Puntland howgalo ay wadaan laamaha Amniga.
Xiligan Saaka lagu dilay xildhibaankan ka tirsan maamulka faroole ayaa waxaa ku soo beegmaysaa xili hore dhawaanta logu dilay sarkaal kartirsan maamulkaas oo iasagu kasoo jeeda gobolada ssc
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Gorowe/Puntland
Afbakaylenews@gmail.com