afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:57 pm | Posted by

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo ku faanay biyo la’aantii ay dhigeen shacabka No. 50

waxyar kadib markii abaanduulaha ciidamada xooga dalka Gen C/Kariim Dhaga badan uu sheegay in ku dhawaad 200 oo ruux ay oon iyo gaajo ugeeriyoodeen deegaanka No. 50 ayaa waxaa arimahaas kahadlay Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Kooxda Shabaab ee gobolka Sh/Hoose Sheekh Max’med Abuu Cabdalla ayaa sheegay in deegaanka No 50 ee gobolka Sh/Hoose lagala waeeegay.

Waxaa uu tilmaamay in ciidamada deegaankaas kusugan aysan waxba ka faa’ideyn maadaama aysan heli doonin biyo ay cabaan meeshana ay kuleyl tahay.

“Meesha ay soo gaareen No.50 waxba kama faa’iidayaan waa meel kuleyl badan oo biya aan lahayn insha’allaah mujaahidiintu way ka adkaan doonaan cadawga”ayuu yiri Abuu Cabdalla.

Sargaalkan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii wadida dagaalada kadhanka ah ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada.

Sheegashada Shabaab ee ah in ay biyo la’aan dhigeen NO 50 iyo deeganadii kale ee lagala wareegay ayaa kusoo aadaya xili ay sii kordhayso tirada ugeeriyoonaysa oonka iyo gaajada ay Shabaab masuulka ka noqdeen.

Riix Halkan si aad udhagaysato

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM