afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
  • tacsi
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • tacsi
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:02 pm | Posted by

Khilaafka Saxiixayaasha oo saameyn ku yeeshay habka soo xulida Xildhibaanada(Warbxin)

Iyadoo shalay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka soo tagay shirkii Saxiixayaasha ay ku lahaayeen Magaalada Nairobi, kaasoo ujeedkiisa ahaa in lagu dhameystiro howsha Qariirada Nabada ayaa waxaa soo baxaya dib u dhac ku yimid soo gudbinta Liiska Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in shalay oo mudada aheyd in la soo gudbiyo Liiska ayaa dib u dhacday, waxaana soo baxaya warar sheegaya in xubnaha Beelaha qaar qudhooda ay qoorta isugu jiraan cida Xildhibaanimada matalaysa.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa doonaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka imaanaya dhanka Khaatumo lagala tashto, halka tan Ahlusuna Xildhibaanka la isku heysto cida la siin lahaa.

Gudiga Farsamada ee soo xulida Baarlamaanka ayaa ka cabanaya fara gelin lagu haayo, iyo qaarkood oo hanjabaad loo jeediyay, inkastoo xaalada haatan ay noqoto qir iyo qir ah oo beelaha dhexdooda ka jirto, gaar ahaan Odayaasha oo ku jahwareeray xubnaha Mudanayaasha noqonaya.

Odayaasha dhaqanka ayaa qaarkood bilaabay inay lacago ku fulisaan kursiga Xildhibaanka hadba shaqsiyaadka u kala ordaya, waxaana taas ay keentay inay ka nastaan xubno ay ka nasan waayeen oo hurdadii xataa ay u diideen.

Inkastoo Liisaska qaar si horu dhac loo helay, hadana waxaa walaac laga muujinayaa Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka ee ah 30%, hase ahaatee waxaa haatan soo baxaya in 10% la helay.

Sidoo kale waxaa jira liisas lagu celiyay Odayaasha oo ahaa ragg ay soo gudbiyeen, waxaana taas ka marneyn dadka ay wataan Madaxda dowladda oo ay u rabaan marka loo magacaabo Xildhibaan ay siiyaan codka.

Mudanayaasha ee la sii qoray ayaa durba la gatay, waxaana uu qeyb ka yahay Ololaha doorashada ay wadaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda ee hada dhankooda baratanka ka dhex bilowday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki laga qabaa in ka hor Agosto in la soo xuli waayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka, bacdamaa ay saxiixayaasha ay qoorta isugu jiraan.

Xafiiiska Shaada Afbakayle.com

Moqdisho/Somalia

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM