Kuwii Baabuurta ULa Goostay Dhinaca Jabhada SNM Oo Loo Dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera
Waxaa jirey kooxo dhallinyaro ah oo u adeegi jirey Horgalaha gabalkiisu sii dhacayo ee Ina Cambaashe oo muddo dhowr bilood ka hor kala soo goostay hub aad culus, dhinaca maamulka Khaatumo State na la soo galay, iyagoo nidarna ku maray inaysan mar dambe u adeegi doonin Horgale Ina Cambaashe oo maamulka Jabhada SNM ay meesha ku hayaan.
Hadaba Kooxdan dhallinyarada ah oo muddo dheer tolkood la joogay waxna la qabay, waxaa la sheegay inay qolyo qurbaha jooga oo uu waa hore damiirku ka dhintay, ay u direen lacago kana dhaadhiciyeen inay dib ugu laabtaan Ina Cambaashe oo ay aad isugu dhow yihiin kuwan damiirku ka suulay, ee aan horgalanimada waxba u arkin.
Dhallinyaradii iyo hubkii ay wateen oo ay intii ay deeganada ku sugnaayeena diideen inay iska wareejiyaan, waxay mar kale dib ugula goosteen Ina Cambaashe iyo kooxdiisi qawlaysatada ahayd, iyagoo markaasina waxooga doollar ahna jeebadaha ku sita, ka dibna inta hubkii laga la wareegay iyagoo ka kooban afar dhallinyaro ah, ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga nadaafad daradu hadhaysey ee Mandheera.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com