afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:56 pm | Posted by moha

Ururka Ahlusuna Oo Sheegay In Aysan Waxba Kala Socon Shirarkii Arimaha Dastuurka Soomaaliya?

Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Ee Ururka Ahlu Suna Waljamaaca ee Gobollada Dhexe Sh. Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa maanta si rasmi ah boqolaal dad weyne ah hortooda ka cadeeyey in aysan ka war hayn shirarka ka dhacaya Caasimada Dalka Soomaaliya ee Muqdisho iyo kuwa ka socda Dalka Debadiisa ee lagaga hadlayo arimaha Dastuurka Dalka Soomaaliya.

Sh. Maxamed oo ka hadalyey banaan bax ka dhacay Degmada Guraceel oo  lagu  taageerayey ururka Ahlu Suna markii uu si rasmi ah uu ula wareegay Gobollada Dhexe ee soomaaliya  ayaa waxa uu qiray in ay ka urur ahaan aysan ka warhayn shirarkaasi.

Ururka  ahlu-suna  ee Gobolada Dhexe ayaa laga war hayn in ay diidayaan Dastuurka la ansaxiyey iyo in kale, iyadoona aan qiyaasi karin sida lagu qancin doono inay qayb ka qataan dhismaha Dowladda Cusub ee Dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii khilaafyada ka jira Siyaasada Soomaaliya  ayaan ku ekayn mida ahlusuna iyo Dowladda KMG ah u dhaxeeya oo kaliya, waxaana khilaaf hor leh uuu ka dhashay Masuuliyiinta ugu sar sareyso Dowladda KMG ah kuwaas oo isku afgaran waayey hanaanka Dalka loo maamuli doono.

 

Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online

By Maxamed Cali Bile

 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM