afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:15 pm | Posted by

War Deg Deg Ah Dibad baxyo waa Weyn oo Xiligan kasoconaya Muqdisho iyo Madaxweynaha oo ku biiray Goordhawayd

Waxaa Xiligan Dibad bax aad u balaaran ayna kasoo qeyb galeen Boqolaal Dadweyne uu kasoconayaa Garoonka Banaadir Stadiom ee Degmada Cabdi Casiis Gobolka Banaadir.

Dibad baxan ayaan ah mid lagu xusayo Sanad guuradii Koowaad ee kasoo wareegtay markii Kooxda Al-Shabaab intii badneed Magaalada Muqdisho ka baxeen maanta oo kale 6-Agoust .

Dadka ayaana wali kusii qul qulaya Garoonka Koonis si ay u muujiyaan Dareenkooda iyo farxada maalinkan ay Shabaab Muqsdisho ka baxeen Nabdiina ay iftiintay ,dadka ayaana ka kala imaanaya guud ahaan Degmaooyinka Gobolka Banaadir.

Dad badan ayaana Socod kumaraya Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyagoona socod ku tagaya Garoonak Koonis halkaas oo la filayo in lagu soo gaba gabeeyo lagana jeediyo qudbado kala duwan.

Waxa ay wataan dadka ka qeyb galaya Dibad baxan Boorar ay Shabaab kaga soo horjeedaan iyo kuwa ay ku taageerayana Dowlada KMG ee Soomaaliya oo iyadu ku guuleesatay soo celinta amaanka iyo Xasiloonida Caasimada Muqdisho.

Waxaa Goordhaw Dibad baxa halka uu kasoconay gaaray Madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh AXmed iyo Qaar kamid ah Golaha Wasiiradfa kuwaa oo la filayo in goordhaw Qudbado ka jeediyaan Garoonka Koonis uu Dibad baxu kasocdo.

Madaxweynaha ayaana Xiligan loo tumayaa Astaanta Calanka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale Salaan ka qaadanaya Cutubyo katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo kusugan Garoonka Koonis .

waxana la filayaa in goordhaw Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kale ee la socoto Qudbado halkaasi kasoo jeediyaan taa ay kaga hadlayaan Malaintan ku beegan markii Shabaab sanad kahor Muqdisho badi baneeyeen..

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Moqdisho/Somaliya

Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM