Xog Hoose:- Maxaa Ka Jira In Madaxweyne Shariif Loo Soo Jeediyey Inuu Noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soo Socda?
Kadib markii uu maalintii shalay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Mudane Shariif Shiikh Axmed uu isaga soo baxay shirkii ay ku lahaayeen Magaalada Nairobi kooxda saxiixayaasha Road Map-ka ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in madaxweynaha loo soo bandhigay in uu qabto xilka gudoomiyaha baarlamaanka soo socda.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xassan Shiikh Aadan, iyo Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay u hishiiyeen Madaxweyne Shariif iyaga oo isku bahaystay sidii uusan mar kale ugu soo laaban lahayn kursiga Madaxweynaha oo warar rasmi ah ay sheegayaan in lala rabo Shariif Xassan Shiikh Aadan.
Arinta ayaa xitaa la leeyahay waxaa wax kawada ergayga gaar ah ee Qamada Midoobay Mr Augutine Mahiga oo lagu xanto in ay yihiin saaxiibo isku dhow Shariif Xassan Shiikh Aadan oo la sheegay in uu xariif ku yahay is bad badalka dhinaca siyaasada.
Waxaa ay wararku sheegayaan in markii ay intaasi dhagihiisa kusoo dhacday Madaxweyne Shariif uu si hal-haleel ah uu uga soo baxay shirkaasi, isagoona markiiba u soo duulay Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya.
Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa u balan qaaday Faroole iyo Gaas haddii uu noqdo Madaxweynaha dalka in uu xilka Ra’iisal wasaaraha dhinacooda u soo celin doono yacni beesha ay ka soo jeedaan ee ‘’Majeerteen’’ gaar ahaan waxaa uu dhagta ugu sheegay Gaas in uu isaga ka dhigi doono Ra’iisal Wasaaraha.
Madaxweynaha Shariif ayaa hadda u muuqda shakhsi siweyn uga digtooni qaba raga is bahaystay ee Shariif Xassan, C/weli Gaas, iyo Faroole oo haamaha u biyeystay sidii ay uga saari lahaayeen maslaxaha siyaasada Shariif Shiikh Axmed.
Xafiiska Wararka Ee Afbakayle Online
By Maxamed Cali Bile