afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
1:36 pm | Posted by

Dad kor U Dhaafaya 50 Ruur Oo Lagu Xidhay Xidhay Magalada Laascaanood(Warbixin)

Dad kor u dhaafaya ilaa 50 ruux oo rayid ah ayaa xiligan ku xidhan xabsiga dhexe ee magalada Laascaanood kuwaas oo la soo qabqabtay ka dib markii ay maglada ka dhaceen dilal is daba joog ahaa oo lala beegsaday horgalayaasha u adeegga maamulka Somaliland.
Dadkan ayaa waxaa loogu dhacay guryahooda xili habeeno kala duwan ah kuwaas oo qaarkood ay gacantooda ku soo qabqabteen Cali Qase iyo Xaaji Jeeni Yare ka dib markii ay guryahooda ugu dhaceen halka qaar kalena laga soo qabqabtay masaajida kala duwan ee lagu cibaadaysto.
Waxaana dadkan lagu eedeyey oo dusha laga saaray dilalka ka dhacay magalada Laascaanood oo sida la rumaysan yahay ay fuliyeen saraakiisha iyo ciidamada maleeshiyaadka Somaliland ee ku sugan Laascaanood balse lagu majara habaabinayo dadka masaakiinta ah.
Dhinaca kale qoysaska ay dadkaas ka xidhan yihiin ayaa qaarkood oo aanu la kulanay waxay noo sheegeen in markii ay ubadkooda ku booqdeen xabisga iyo saldhiga dhexe la waydiiyey inay bixiyaan lacago laaluush ah si loogu sii daayo dadka ka xidhan lacagahaas oo qaarkood ay kor u dhaafayso ilaa $500.
Arintan laaluushka la xidhiidha ayaa beryahan dambe waxay ahayd mid si wayn looga dareemay magalada Laascaanood islamarkaana ay si weyn cabasho uga muujiyeen dadka deegaanka.
Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM