afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
2:26 pm | Posted by

Maamul Goboleedka Galmudug: “Caalin Wuxuu Saxiixay Waa Wax Aanay Dadkiisu Ogolayn

Cabdifitaax Sabriye oo ka mid ah siyaasiyiinta beesha Galmudug ayaa ku tilmaamay heshiiskii Nairobi ee Galmudug,ay ka mid aheyd darafyadii heshiiskaasi saxiixay in Caalin uu ku saxiixay magaciisa, oo aanu kaga qeybgelin shirkaasi isagoo metelayey Galmudug, wuxuuna C/fitaax sheegay in madaxweydiinayo Galmudug ay tahay baarlamaankeeda, dhaqankeeda & madaxweyne Jen. Cabdiqeybdiid.

“Caalin waxaa is weydiin leh marka uu shirka ka qeybgalayo yuu wakiil ka yahay.? cidda uu wakiilka ka yahay ma ka la tashaday inuu qalinka ku duugo in saamigii ay laheyd beesha KHaatumo inuu qalinka ku duugo inuu afka u dhigto Faroole, teeda kale arrintaasi Galmudug beri bey ka tahay, waxeyna aamisan tahay cidda xaqa u leh in lagala tashado soo xulitaanka xildhibaanada in ay yihiin siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka ah ee soo jireenka ah ee beesha KHaatumo & maamulka Khaatumo” ayuu yiri Cabdifataax Sabriye.

“Faroole marka uu shirka imaanayey wuxuu meesha la yimid wixii ay dadkiisa la ogaayeen, Caalin waxaan weydiin lahaa dadkaaga ma kula ogaayeen inaad Faroole u saxiixdo baadilkaasi.? su’aashaasi waxey u taalaa in ay ka jawaabaan Galmudug” ayuu yiri Cabdifitaax.

“Caalin maadaama uu naf la caari yahay wax wanaag ah oo ka soo socdaana aysan jirin, wuxuu doonaya inuu noloshiisa ku dhammeysto xaafadda Islii, haddii uu ugu bato Faroole ayuu marti ugu noqon karaa Garoowe” ayuu yiri Cabdifitaax.

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com

Gaalkacyo/Mudug

Afbakaylenews@gmail.com
 

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM