afbakayle.com
  • Home
  • Wararka
  • Ciyaaraha
  • Fikaradaha
  • Waraysiyada
  • suugaanta
  • Maqal & Muuqaal
  • Barnaamijyad
    Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches! Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!
    • Latest Posts in RSS
      • Barnaamijyad
      • Ciyaaraha
      • Fikaradaha
      • Maqal & Muuqaal
      • suugaanta
      • Wararka
      • Waraysiyada
    • Latest Comments in RSS
12:04 pm | Posted by

Daawo+Video:Xaalada Amaan Ee Laascaanood Oo Faraha Kabaxday iyo Cabsi xoogan Oo la soo deristay horgalayaasha maamulka Somaliland

Cabsi xoogan ayaa la soo deristay horgalayaasha maamulka Somaliland u qaabilsan gobolka Sool ka dib markii qaar badan oo ka mid ah lagu khaarajiyey dilal qorshaysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay magalada Laascaanood kuwaas oo ilaa hadda aan la aqoosan cidda rasmi ahaan uga dambaysay balse warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in hogaamiyaasha ciidamada Somaliland ee ku sugan laascaanood ay ka dambeeyaan dilalkaas iyagoo ku doonaya in halkaas ay ka dhacaan isku dhac bulshada reer laascaanod dhexdeeda ah.
Dhamaan shaqsiyaadka u shaqeeya maamulka Somaliland ee ku sugan magalada Laascaanood waxay ku sugan yihiin goobo gaar ah khaasatan xiliga habeenkii ah waxaa aad u yaraada dhaqdhaqaaqa horgalayaasha waxaynna isugu tagaan goobaha ay ku xoogan yihiin ciidankooda iyagoo markaas xitaa awoodi waayey qaarkood inay guryahooda u hurdo doontaan kuwaas oo degan Hoteelo lagu ilaaliyo sida Hotel Guulleed.
Xaaladdan waxay ka dambaysay ka dib markii ay soo laban laabmeen weeraradii loo geysanayey horgalayaasha,waxaana ay cabsi xoogan la soo gudboonaatay shaqsiyaadka u adeegga maamulka Somaliland.

Halkan Riix Si,aad udaawato Hadalka Horgalada

Xafiiska Shabakada Afbakayle.com
Laascaanood/Sool
Afbakaylenews@gmail.com

Halkan Riix Oo Ka Dhagayso Wararka Radiokhaatumo.com

Nagala Soo Xidhiidh Emailkan:>Afbakaylenews@gmail.com

Leave a Reply

Click here to cancel reply.

  • Home
  • RSS

© 2013 afbakayle.com. All Rights Reserved. Log in - Designed by SahalSoftwareTM